Hargeysa(HWN):-gudoomiyaha
jaamacada Hargeysa ayaa tan iyo markii uu la wareegay maamulka
jaamacada Hargeysa qaaday talaabooyin aanay mahadin ardayda wax ka
dhigata jaamacadaas.
Gudoomiyaha
jaamacada Hargeysa Dr.Cabdi Xuseen Gaas oo guddida sare ee jaamacada
Hargeysa soo xushay ayaa mudo ku dhaw sanad iyo badh oo uu gacanta ku
hayey maamulka jaamacada waxa uu qaaday talaabooyin dhibaato ku ah
ardayda jaamacada Hargeysa oo tiradoodu aad u badan tahay.
Hadaba waxaynu soo qaadan doonaa talaabooyinka uu qaaday gudoomiyaha jaamacada Hargeysa Dr.Cabdi Xuseen
Gaas
kuwaas oo saamayn taban ku yeeshay ardayda wax ka dhigata jaamacadaas
iyada oo wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare-na ay ka gaabisay
inay qaadato doorkeedii waxbarashada sare ee dalka.
Gudoomiyaha
jaamacada Hargeysa ayaa markii uu la wareegayey maamulka jaamacada waxa
uu goobtii ay munaasibadu ka dhacaysay oo ahayd xarunta jaamacada
Hargeysa waxa uu ka balan qaaday inuu waxyaalo badan ka qaban doono
sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada jaamacada isla markaana kor loogu
qaadi lahaa tayada ardayda ka soo baxaysa jaamacada taas oo ilaa maanta
aan laga hayn wax horu mar ah oo laga gaadhay tayeynta waxbarashada
jaamacada taas badalkeedana qaada talaabooyin dhibaato ku ah ardayda
jaamacada.
Gudoomiye
Cabdi Xuseen Gaas ayaa mudadii uu hayey xilka jaamacada Hargeysa waxa
uu qaaday talaabooyin aanay mahadin ardayda wax ka dhigata jaamacadaas
iyada oo ay talaabooyinkaas ka mid tahay inuu ganaax ku soo rogay
ardayda isku diwaan gelin wayda wakhtiga cayiman ee loo qabtay, iyada oo
uu ganaaxu ka bilaabmayo $ 15 isla markaana kor uga sii soconayo
maalinba maalinta ka danbaysa taas oo marka laga eego dhinaca
diintana noqonaysa xaaraan ama (Ribo), sidoo kale gudoomiyaha jaamacada
Hargeysa ayaa mudadii uu xilka jaamacadaas hayey ku talaabsaday inuu
lacag kordhin ku sameeyo ardayda sanadka koowad iyo sanadka labaad ee
jaamacadaas taas oo uu kala mid dhigay jaamacadaha Private-ka ah ee ka
jira caasimada Hargeysa, talaabadaas oo durba saamayn ku yeelatay
ardaydii soo codsan jirtay jaamacada Hargeysa iyada oo sanadkan hoos u dhac wayni ku yimid ardaydii soo gali lahayd jaamacada taas oo ay saamayn ku
yeelatay lacagta uu kordhiyey gudoomiyaha jaamacada Hargeysa oo isagu
aan wax ka badan ka ogayn xaalada dhaqaale ee dalka, iyada oo dhaqaalaha
ay jaamacadu ka hesho ardayda ay garab socoto lacagta ay ugu tala
gashay dawlada dhexe in lagu kabo jaamacada.
 |
| Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Oo La Wareegaya Xilka Jaamacada |
Sidoo
kale gudoomiye Cabdi Xuseen Gaas talaabooyinka uu qaaday mudadii uu
hayey hogaaminta jaamacada Hargeysa ayaa waxa ka mid ah inuu jaamacada
Hargeysa ka badalay nidaamkii hore ee ay ku shaqayn jirtay isla markaana
ay ku hawl gali jireen kuliyado kala madax banaan taas oo uu u badalay
nidaamka College-yada oo meesha ka saaray qaar ka mid ah kuliyadaha
jaamacada Hargeysa.
Gudoomiyaha
jaamacada Hargeysa Dr.Cabdi Xuseen Gaas ayaan lagu koobi karin qoraal
talaabooyinka uu qaaday ee hagar daamada ku ah jaamacada ardayda
jaamacada Hargeysa iyo nidaamka waxbarasho ee jaamacada taas oo loo
baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.
Dhinaca
kale wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa wax
talaabo ah ka qaadin go,aamada aan u fiicnayn ardayda jaamacada Hargeysa
ee ka soo baxaya maamulka jaamacada Hargeysa iyada oo inta badana
wasaarada waxbarashadu ku war hesha marka uu debada u soo baxo khilaafka
u dhaxeeya maamulka jaamacada Hargeysa iyo ardayda wax ka dhigata
jaamacadaas.
Si
kastaba ha ahaatee wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa looga
fadhiyaa inay la socoto xaalada wakhtigan ee jaamacada Hargeysa iyada oo
maamulka jaamacadu uu maalinba talaabo hagardaamo ku ah ardayda
jaamacada qaadayo.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
No comments:
Post a Comment