Wasiirka
Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo shalay dalka dib
ugu soo laabtay, ayaa sheegay inay dawladda Jabuuti uga cabatay
Kootarabaan faro badan oo dhanka Somaliland ka tagga dalka Jabuuti
isla-markaana Somaliland ahaan u balan-qaadeen inaan kootarabaan dambe
uga tagi doonin.
Wasiirka oo saxaafadda kula
hadlay qolka nashada ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee Magaalada
Hargeysa, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya waxyaabihii ay ka wada
hadleen Wasiirka Afrika u qaabilsan dawladda Ingiriiska ka dib safar ka
jabuuti ka horeeyay oo uu ku tagay London, ayaa yidhi ?Waxaanu isla
afgaranay in Somaliland laga saaro talada odhanaysa yaan Somaliland iyo
Soomaaliya la tagin, oo aan ka wada shaqeyno shaqaalahooda halkan
(Somaliland) jooga iyo kuwa halkaa kale joogaa aanu sidii aanu arrinkaa u
xalili lahayn aanu uga wadahadallo?
Wasiirka
arrimaha Dibadda Somaliland, waxa kale oo uu sheegay ?Waxa kale oo aanu
kala hadalnay gooni isu-taaga Somaliland iyo waxa ummadda Somaliland
goosatay, oo ah inay xornimadeedi deg-deg ah u hesho? ayuu yidhi waxaanu
intaa ku daray isaga oo ka hadlaya kulamadii uu London kula yeeshay
madaxda dawladda Ingiriiska ?Waxa kale oo aanu la kulanay hay?adda DFID,
baarlamaankooda iyo meesha la yidhaahdo Chautum House, intaaba waxaanu
si aad ah ugu sharaxeynay qadiyadda gooni isu-taagu inay tahay wax
umaddu goosatay oo u baahan la tixgaliyo?
Wasiirka
arrimaha dibadda Somaliland, waxa uu ka hadlay kulamadii uu
Madaxwaynaha iyo Masuuliyiinta kale ee dawladda Jabuuti kula yeeshay
Magaalada Jabuuti ?Aad iyo aad ayaanu uga wadahadalnay wax wada qabsi
labada dal (Jabuuti iyo Somaliland) wada yeeshaan oo ay ka mid tahay
dhaqaalaha, xagga jidadka, la dagaalanka budhcad-badeedka, la dagaalanka
argagixisada, la dagaalanka kootarabaanka oo ay aad uga cabatay
dawladda Jabuuti, in kootarabaan badan oo Sigaarku ka mid yahay uu
xaggan (dhanka Somaliland) ka galo? ayuu ydihi, waxaanu intaa ku daray
?Waxaanuna balan ka qaadnay inaanu ka joojino kootarabaanka?
Xigasho Geeska
No comments:
Post a Comment