Monday, July 25, 2016

Nidaamka Caddaaladeed ee Soomaaliland: Himilooyinkiisa Qoran, Ummadda Tasoowday, Bahdiisa Hanka yar iyo Qaranka Hagraday


 “Kulan ay yeesheen ergooyin ka kala yimi beelaha walaalaha ah ee waqooyi degan ….. Waxaa … lays weydiiyey wixii aynu ka dagaalanay maxay ahaayeen? Waxay noqotay oo saldhig u noqotay caddaalad-darro. Halkaa waxaa ka soo baxday baahideena kowaad inay tahay caddaalad in aynu helno. Caddaaladu halkeey ku jirtaa baa markaa isweydiin leh. Waxay noqotay inay caddaaladu ku jirto Diinta Islaamka. Waxa inna dhibtay oo aynu wada ogsoonahay bahal la yidhaa ‘qabyaalad’, oo eex iyo imtixaan dabada ku wadata. Taana waxaa laysla gartay; waxa waxaas oo dhan lagaga bixi karaa inay tahay oo keliya inagoo ku dhaqana Shareecada Islaamka ee ILAAHAY [SWT] innoogu talo galey koownkan markuu inna dhigay isagu, ee uu innagu abuuray in aynu ku dhaqano – isagoo masaalixdeena cid ka taqaanaana aanay jirin.” 
-Aadan Axmed Diiriye oo sharxayey Qodobbadii ka soo baxay Shirkii Burco ee Ergooyinka Beelaha Degan Waqooyiga Dawladdii Soomaaliya, 6-dii Meey, 1991-kii.

Himilooyinka Qoran iyo Ummada Tasoowday
Haa, himilada ugu muhiimsan ee Qarankan Soomaaliland uu u dhisan yahay waa in la helo dawladnimo ummadda wada deeqda, oo la mahadiyo, kuna dhisan sinnaan iyo caddaalad - sida ku xusan goggol-dhiga Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland.

Qaranku wuxuu ku dhisan yahay dastuur uu shacabku ansaxiyay. Dastuurkana waxaa saldhig u ah mabaadi’ ay Shareecada Islaamku ugu horeyso. Sida ku xusan qodobbadiisa 5aad iyo 128aad: “Xeerarka dalku waa in ay waafaqsan yihiin Dastuurka iyo mabaadi’da Shareecada Islaamka, waxaana reeban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda”. 

Himilooyinkaas ayaa innoo qoran – ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo in la helo xeerar ku dhisan mabaadi’da Shareecada Islaamka. Maaha! Kuwo aynu qoranay 5 sanno kahor, 10 sanno kahor ama ba 15 sanno kahor, waxaynu qoranay oo ay dhaqangal noqdeen 25 sanno kahor.

Labaatan iyo shantaa sanno ba, waxa ugu badan ee ay shacabku tebayaan waa caddaalad. Waxa ugu badan ee ay ka cawdaan kuna dhaqmaan waa caddaalad-darro iyo qabyaalad. Dhinac walba – garsoorka, maamulka dawladda, saami-qeybsiga kuraasida goleyaasha iyo kheyraadka dalka – caddaalad-darro baahsan ayaa laga sheeganayaa. Inta ba iyadoo af beeleed lagu hadlayo ayaa laga cabanayaa. Iyadoo dan beeleed la wadana wax baynu ka badelnay ayey nu nidhaa. Waxaynu ku sifoownay odhaahdii Alle ha u naxariistee Abwaan Gaarriye uu yidhi:

Xeerkiyo dastuurkii

Loo dejaana kuma fulo

Ummad aan dabci aqoon.”

Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (Alle ha u naxariistee) ayaa khudbad uu ka jeedinayey Xabaalaha Mako-durduro, isagoo ka hadlaya sida aynaan danteena uga shaqayn ee aynu ugu foogahanahay qabyaalad iyo qaraabo-kiil ee aynaan waxba uga baran hoogii iyo halaagii ina soo maray yidhi:

Dhadhan raaca, sacabka maxaa la ii saaraa? reer hebel maxaa loo qabanayaa? Anniga maxaa la i siinayaa? Inta arrinkeenu kaas yahay ee dawladnimadeenu ku dhisan tahay dhadhamo qabiil, beeleed , qoys ama qof saasay noqonaysaa. Taasaa (xabaalaha) inna huran. Shalay dhacday, berrina dhici doontaa, sahan dambena dhici doontaa. Israaceenii [Soomaaliya] dhowaan buu dumay, soo goosigeenuna ma ahayn barasho aynu soo baranay in aynu shalay lixdankii khalad samaynay – Shalayna waxaynu ku tagnay jibbo, maantana waxaynu ku nimi jibbo. Jibbo meel inna geynaysaa ma jirto! Taa [xabaalaha] weeyi dhaxalkeedu. Jibbo, firkrad darro, iska orod iyo tallo la’aan, taas weeyi dhaxalkeedu.”

Haa, waa sababtaas sababta ilaa maanta looga cabanayo caddaalad-darro iyo dulmi. Dadku weli ismay weydiin maxaa innoo dan ah? Hadday isweydiiyeena kamay tegin dhaqankii anaanniyada ahaa iyo qabyaaladdii. Inta ay kuwaasi jiraan oo aanu dadku himilooyinkiisa si dhab ah ugu shaqayna sidaas ayey ahaanaysaa.  

Sawtuu macalinkii wadaniga ahaa Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, ILAAHAY naxariista janno ha ka waraabiyo’e, hore bulshada ugu yidhi:

“Haddii aad addintaan oo

Indhaha dhiig laga keeno,

Idinkoon sidan dhaamin

Inaad guul urisaanna

Waa wax aan la arkaynnin.”

Qaran, qoys iyo qof walba talaabo kasta oo uu qaado wuxuu ugu deddaalaa himiladiisa. Si kasta oo ay caqabado iyo dhibaatooyin uga horyimaadaan, dhaqankiisa iyo horumarkiisa ayaa laga gartaa himilada uu hiigsanayo iyo sida ay uga go’an tahay inuu gaadho. Waxaynu nahay ummad muddadaas uu qaranku shaqaynayey ee 25-ka sanno ah maxkamaddaheeda lagaga shaqeeyo xeerarkii dawladdii Soomaaliya ee caddaalad-darrada iyo qabyaalada ku duntay. Xeerar duugoobay oo qodobbadooda qaarkoodna aanay la jaan-qaadi karayn Shareecada Islaamka iyo Xuquuqaha Aasaasiga ah ee uu Dastuurkeenu dammaanad qaaday iyo noloshan casriga ah ee dunuubta cusub iyo waayaha cusub wadata. Waxaynu nahay ummad tasoowday oo uu marin-habow ku dhacay, kana leexatay dariiqii ay kaga dhabayn lahayd himilooyinkeeda.

Bahda Caddaalada ee Hanka Yar
“Waxaaneey nin arkaaya
Ummaddayda tasawdayee
Usha loo qaban waayeyee,
Anigayga biloowoo,
Abwaankeedi ka seexdayee
Wax-aqoonki tabaysa
Af-weynoo laga reeyana
Ujeeddawga dambaynnin.”
 ERGO, Maxamed Xaashi “Gaarriye” (AHUN) 30/04/1992.

Bahda caddaalada waxaan uga jeedaa inta ka hawl gasha nidaamka caddaaladeed ee dalka – waxay iskugu jirtaa hay’addaha qaranka iyo bulshada rayidka ah. Waxay u kala baxaan Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyeyaal, Qareenno, Culimo, Sharci-yaqaano Madax-bannaan iyo hawl-wadeenno kale. Bahdan ayaa u cummaamadan nidaamka caddaaladeed ee dalka. Muraayada laga dhex arko waxqabadkoodu waa nidaamka caddaaladeed ee dalka u shaqeeya. Markay bulshadu nidaamka caddaaladeed ka cabanayso iyaga ayey ka cabanaysaa. Iyaguna qaranka iyo han yaraantooda ayey u dulman yihiin.

Haa! Bahdani mar qarankay u dulman tahay oo mudnaantii ay lahayd lama siin oo qarankii ay waaxda dhan ka ahayd ayaa hagraday. Marna hankooda yar ayey u dulman yihiin oo waxay sheegan kari waayeen milgahii iyo mudnaantii ay qaranka ku lahaayeen intay ilaashanayeen danneyaal kooban. Sidaas ayuu nidaamkii caddaaladeed u noqday mid ay han yaraanta bahdiisu u soo jiito dhaliil iyo cabasho joogto ah.

Han yaraantooda
Han yaraanta waxaa loo yaqaan in qof/cid awooddeedu ka qarsoonaato, kalsooni-darro darteed in lagu qanco wax hoose iyadoo wax ka fiican xaq loo leeyahay, ku dhici waa in himilooyin iyo hiigsi la yeesho, annaaniyad cadow u aragta cidda han iyo himilo wacan leh.
Taariikhdu waxay sugtay in xukumaduhu aanay iskood u xoojin nidaamka caddaaladeed ee dalalkooda ka jira, sababtoo ah marka hore ba hirdan dhinaca awooddaha ah ayaa ka dhaxeeya saddexda waaxood ee qaranka – Xukumaddaha, sharci-dejinta iyo garsoorka. Sidaas darteed, cidda xoojin karta nidaam caddaaladeed waa aqoonyahanka ku shaqeeya mihnadda-sharci. 

Hadday dawladduhu ka gaabiyaan xoojinta iyo kobcinta nidaamka caddaaladeed, waxaa hadla oo dadweynaha dareen geliya dadka aqoonta u leh garsoorka iyo caddaaladda. Iyagaa guta waajibaadka ka saaran nidaamka caddaaladeed ee ay ummadda ku metelaan. Waajibaadka muwaadinimo ayaa sidaas faraya. Iyagoo isku duuban ayey u dooddaan oo is abaabulaan dabadeedna si joogta ah ugu deddaalaan horumarka nidaamka caddaaladeed. Iyaga ayaa bulshada ka dhiga mid ilbax ah oo xuquuqdeeda garanaysa oo dawladda kula xisaabtami karta dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u dejisan. Markaas ayey bulshadu noqotaa mid himiladeeda qaran u taagan oo u deddaalaysa. 

Qareennada, Xeer-ilaaliyeyaasha iyo Garsooreyaashu waxay ku hawshoodaan iswaafajinta dhaqanka, shareecada Islaamka iyo xeerarka. Sidaas ayey ku shaqeynayeen muddo 25 sanno ah. Waxay u shaqeeyaan bulsho xeer, sharci iyo dhaqan ba jeeb qudha ku wada sidata. Qareenku kolba kii dantiisu ku jirto ayuu ku shaqeeyaa. Xeer-ilaaliyahu xeerarkaas dugoobay iyo maslaxaddo guud ayuu ku dhaqmaa. Garsoorayaasha dhaqanka bulshadu seeto iyo xadhig adag ayuu ku noqday, sharciguna waa xayndaab aanay weydaaran Karayn. Hadday mid u khaalis noqdaan, ka kale ayey ku eedoobaan. Waxaa keliya ee ay aakhiradooda iyo adduunyadooda ba ku badbaadin karaan waa hal-adaygnimadooda iyo dadnimadooda. 

Dhibtaas ayay dhammaantood ka siman yihiin, deedna bulshadii ay hoggaanka u noqon lahaayeen ayaa iyagii hoggaanka u qabatay – ku dhaqanka sharciga ayey ugu dhaarsan yihiin, waxaana lagu cannaantaa ka dhego-adkaanta xalka iyo xeeladaha dhaqanka bulshadu uu farayo. Waxay bulshadu u kala jeceshay siday xalka iyo xeeladahaas kale u kala adeegsadaan.

Dad gob ah oo aqoonta sharci iyo mihnadda ba danta guud ugu adeegayaa, labaatan iyo shan sanno dhibtaas kumay jireen oo dantooda oo qudha kumay mashquuleen. Dad uu hankoodu sarreeyo oo in ay iska shaqaystaan uun ka koray sidaas may yeeleen oo muddadaas dheer kumay shaqeeyeen dhismayaal iyo xeerar dugoobay. Waxaa loo baahan yahay in bahdeena caddaaladu ay fahamto doorka ay ku leeyihiin nidaamka caddaaladeed iyo ilbaxnimada bulshada. Waxaa sidoo kale loo baahan yahay in aynaan hay’addo kale ku halayn inay xoojiyaan nidaamkeena caddaaladeed. Waa in laga koraa fikirkan ah qof baad ka tahay bulshadee, iskaa u nooloow.

Ururada Qareennada iyo ururada kale ba maaha inay keliya u dhisnaadaan in ay fuliyaan mashaariic ay hay’addo wataan – oo hankooda iyo hawshoodu ba aanay noqon mashruuc. Waxaa la rabaa inay ka shaqeeyaan danta mihnaddeed ama caddaaladeed – oo ay iskood iskugu hawlaan, uguna deddaalaan. 

Nidaamka caddaaladeed wuxuu keliya horumar gaadhayaa markuu helo xirfadlayaal sharci oo uu hankoodu sarreeyo, kuna baraarugsan in nidaamku uu iyaga ku dhisan yahay. Waxaa baahi loo qabaa in xirfadlayaasha cusub la baro masuuliyadda aqoonyahannimo. Marka la helo xirfadlayaal kartidoodu gaadhsiisan tahay danneynta nidaamka caddaaladeed ayey bulshaduna noqonaysaa bulsho wacyi-gashan oo taageeri karta nidaamka caddaaladeed. Nidaamkeena Caddaaladeed wuxuu tebayaa mihnadlayaashii horseedka u noqon lahaa ee hir markii la gaadho ba mid labaad hilaadin lahaa. 

Mihnadlayaasha maanta shaqeeyaa waa in aanay caqabad ku noqon marka la damco in wax laga badelo nidaamka caddaaladeed oo aanay ka door-bidin muraado yar yar. Qareennada, Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyeyaashu waa inay isku arkaan bah mihnaddeed oo uu nidaamka caddaaladeed ka dhaxeeyo. Waxa dhici karta mararka qaarkood in uu qofku garsoore ahaan, qareen ahaan ama xeer-ilaaliye ahaan dantiisa ka dhex arko wax nidaamka guud khilaafsan. Sidaas darteed, waa in qofkastaa uu nidaamka guud dartii uga tanaasulaa dannaha gaarka ah. Maaha in waxa markaas taagan oo qudha lagu go’aan qaato, waa in aragti fog oo mustaqbalka mihnaddeed khusaysa la yeeshaa.– in Garsoorahu uu berri Qareen ama Xeer-ilaaliye noqon karo, Qareenkuna uu Garsoore noqon karo.

Qoraaga buugga the prince (1513), Niccollo Machiavelli ayaa cutubkiisa VI ku qortay odhaahdan xaqiiqda ah: “Waa in maskaxda lagu hayaa in aanay jirin wax la fuliyo oo ka dhib badan, ama lagu guuleysto oo ka mugdi badan, ama maareyntiisa ay ka khatar badan tahay in wax loo sameeyo nidaam cusub; maadaamaa inta [isbadelka] samaynaysa ay la coloobayaan dhammaan kuwii faa’iiddada ku qabay nidaamkii hore u jiray, kuwa laga yaabo in ay faa’iiddo ugu jirto nidaamka cusub aanay si dhab ah u difaacayn”

Sidaas oo kale ayaa bahdeena sharciga qaar badan ay isbadelka u arkaan qiyaame dhacaya. Qofkay ka maqlaana ugu arkaan cadow. Qaar badan way arkaan waxyaabo isbadel u baahan laakiin waxaanay ku dhiiran inay ka shaqeeyaan sidii loo samayn lahaa isbadel wax hagaajinaya. Rag tiro yar oo mabda’ leh oo sidaas qoraagu sheegay isbadel baa loo baahan yahay iyo sidani sharci maaha dartood shaqada looga saaray na way jiraan. Dhaqanka ay bulshadeenu hadda leedahay ayaa ah in inta danaysata uun baa macaashto. Hadalku se wuxuu ku dhan yahay wallee ninkii danaystay wuu is waayi doonaa goor ay noqoto ba.

Culimada dalka oo ah bahda ehelka u ah aqoonta shareecada Islaamka ayaa iyaguna siyaabo badan u soo gelaya bahdan caddaalada. Xafiisyo sharci oo dadka loogu garnaqo ayey qaarkood ku shaqaystaan, lama na yaqaano xeerka loogu ogolaaday inay shaqadaas qabtaan. Hadduu xataa jiro xeer arrintaas ogolaanayaa waa mid qayrul-dastuuri ah sababtoo ah dastuurku wuxuu awooddaas u gaar yeelay waaxda garsoorka. Waxaanu reebay in awooddaas ay cid garsoorka qaranka ka baxsani adeegsato. 

Marka la eego qabyada uu leeyahay nidaamka caddaaladeed ee dalku, tan ugu weyn waa doorkii culumida oo meesha ka maqan. Dhaliisha ay ka sheegaan nidaamka caddaaladeed iyo maamulka dawladnimo ee dalka guud ahaan maaha mid yar. Haseyeeshee, marka laga yimaad dhaliishaas, kama arkaysid han sarreeya oo ay kaga dhabayn karaan waxa ay bulshada u sheegayaan. Inay dibada ka joogaan nidaamka caddaaladeed ayaa ah mid han yaraantooda muujinaysa. Caddaalada iyo wanaaga ay bulshada ku wacdiyaan lama yaqaan sababta ka hortaagan inay ficil ahaan uga hawl galaan. Markay nidaamka caddaaladeed noqoto, keliya waxay u taagan yihiin dhaliishiisa iyo cambaareyntiisa. 

Iska daa wax kaloo raggaas culimada ah ee waa weyn ma filayo in ay yeeli ba lahaayeen haddii shaqada garsoorka loo dhiibi lahaa. Haddii uu dulmi jiro waa raggaas aqoontii leh ee bulshada ku daawanaya, haddii ay dhaliilo jiraana, waa raggaas aan gacan ka geysanahayn xalkooda. 

Culimadii hore saameyn balaadhan ayey ku lahaayeen nolosha bulshada. Maanta oo ay culimadu kamid tahay dabaqada bulshada ugu dhaqaalaha roon, maxaa keenay inay isku koobaan wax sheeg? Miyaanay u muuqan in iyaga laftoodu ay ku dhaqmeen aragtidii reer galbeedka ee ahayd diinta iyo siyaasadda ha la kala saaro? Bulshadu waxay tabaysaa doorkii hoggaamineed ee aqoonyahanka aqoonta diimeed iyo maamulka bulsho leh.

Qaranka Hagraday
Qaranka Soomaaliland oo ah dal ujeeddada kowaad ee madax-bannaanidiisa loola soo noqday ay ahayd in caddaalad iyo sinnaan la helo iyadoo lagu dhaqmayo shareecada Islaamka, ayaan lagu arkayn horumarkii caddaaladeed ee uu muddo 25 sanno ah ku talaabsan lahaa dal ujeeddadaas u dhisan.

Nidaamka caddaaladeed wuxuu kamid yahay meelaha aanu qaranku mudnaanta siin marka la eego miisaaniyada uu qaranku ku bixiyo. Dhismeyaasha maxkamadduhu waa kuwo aad u kooban oo dugoobay oo wakhtigii guumeysiga la dhisay. Maxkamad uu dhismaheedu ka kooban yahay 2 qol ayey ka hawl-galaan 7 ilaa 10 garsoore oo uu mid walba xafiis u baahan yahay, looguna talo-galey in loogu shaqeeyo dadweyne ilaa 200,000 kun ah.

Dhinac kasta hadday tahay qalabka, dhismayaasha, shaqaalaha, gaadiidka iyo xuquuqaha ba, nidaamka caddaaladeed wuxuu kamid yahay meelaha ugu liita hay’addaha qaranka. Dhinaca shuruucdana, wuxuu kamid yahay meelaha ugu baahida badan in shuruuc cusub oo lagu shaqeeyo loo sameeyo, haseyeeshee, aanu baarlamaanku 25-kaa sanno mudnaanta siin.
Markaad aragto miisaaniyada qaranka ee sannadkan 2016-ka, waxaad is odhanaysaa malaha qarankani maaha Soomaaliland-ta ujeeddada ay u dhisan tahay ba ay ahayd caddaalad iyo sinnaan. Sababtoo ah hadda oo uu garsoorku ugu ba miisaaniyad badan yahay 25-kaa sanno, waxaad arkaysaa in wadarta miisaaniyadda Maxkamadda Sare (4,992,726,480), Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud (5,573,350,480) iyo Maxkamaddaha hoose ee dalka oo dhan (16,725,781,920) ay tahay 27,291,758,880 Shilin Somaliland. Sidaas darteed, miisaaniyada loo qoondeeyey waaxda garsoorku waxay miisaaniyada dalka oo ah 1,218,000,000,000 ka noqonaysaa 2.2%, waxaanay u dhigantaa miisaaniyada Wasaaradda Warfaafinta (27,921,252,192) oo keliya. Waxay weli taagan tahay halkii uu marxuum Cali Maarshal Alle ha u naxariisto’e sannadkii 2004-ta ka lahaa “waa qaran intuu ku deddaalo wararka la buunbuunshaa ay ka badan tahay intuu ku deddaalo garsoorka  

Wax walba deddaalka la geliyo ayuu maxsuulkiisu na u dhigmaa. Haddii wixii gacanta innoogu jiray aynu garanay in aynu waaxda garsoorka uga qoondayno 2.2%, macnaheedu wuxuu yahay himilooyinkeena qaran caddaaladu waxay ka tahay 2.2%. Xaqiiqdu se waxay tahay “cadli dooja mooyee, wax kaloo rag deeqoo, dadka lagaga eed baxo, nin u doonay heli waa” – Gaarriye.

Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)
                Burco, Somaliland.

Wednesday, August 19, 2015

maxkamada sare ee somaliland may saxsanayd mise ? fadlan arigtaada ka dhiibo

Hargeysa Aug 18,2015(SDN/QJ)-Maxkamada sare ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka gar naqday murankii siyasadeed ee mudo kordhinta madaxweynaha,ku-xigeenkiisa iyo Gollaha Wakiilada ee ay guurtida Somaliland mudada u kordhisay, maxkamada ayaa goaankeeda oo faahfaahsani sidan u qornaa:
Maxkamada Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland
Markii ay  aragtay   Qodobka 98aad, Faqradda 1aad, Xarafka (b) oo sheegaya in Garsoorku awood u leeyahay fasiraadda macnaha xeerarka kasoo baxa Golayaasha Dastuuriga ah, iyo Xarafka (j) oo ah in uu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka  JSL.
Markay aragtay  Qodobka 15aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka ee JSLFaqradda 1aad, Xarafka (b) oo sheegaya macnaynta iyo fasiraadda Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka lagaga dhaqmo marka la isku qabsado nuxurka ujeeddadooda, iyo Faqradda 11aad oo sheegaysa in Maxkamadda Dastuuriga ahi ka taliso muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka oo ay laba dhinac isku hayaan.
Markay Daristay Warqada Madaxweynaha JSL. ee Lr. JSL/MD/100-3450/082015, kuna saabsanayd Codisaga Fasiraad ee uu ka dalbaday Maxkamada Dastuuriga ah kuna taariikhaysan 08/08/2015
Markay Daristay    Go’aanka mudo kordhinta ee  Golaha Guurtida JSL ee Ref/G/G/JSL/Go’aan Lambar 04/05/2015 kuna Taariikhaysan 11/05/2015.
Markay Daristay   Heshiiska Saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, WADANI iyo UCID isla markaana uu  Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Golo joog ka ahaa  Kuna Taariikhaysan 27/05/2015
MAXKAMADDU WAXAY KU SABABAYSAY QARAARKEEDA ASBAABTAN HOOS KU XUSAN
  • In Madaxweynaha JSL  uu dalbaday kaliya in tafsiir lagu sameeyo labada xili doorasho ee  ay kala tilmaamayaan Go’aanka Golaha Guuritida iyo Heshiiskii Saddexda Xisbi Qaran.
  • In aanu Madaxweynuhu ka  dalban Maxkamada  fasiraad ku saabsan in Go’aanka muddo kordhinta ee Madaxwaynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Golaha Wakiillada ee Golaha Guurtidu  kordhiyas waafaqsan-yahay  Dastuurka JSL iyo in kale,  isla markaana aanay jirin cid durtay.
  • In aanu jirin Heshiis Midaysan oo saddexda Xisbi Qaran u Gudbiyeen Golaha Guurtida intii aanay samaynin Mudo Kordhinta, isla markaana Xisbayada Qaranku ay heshiiskooda, Qodobka 1aad, ku ixtiraameen Go’aankii Golaha Guurtida.
  • In Gudida Doorashadu cadeeyeen in aan farsamo ahaan doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenku  ku qabsoomayn  26/06/2015.
  • In muddo xileedka  5-ta sano ee  ay doorashada ku yimaaddaan Madaxweyenaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Golaha Wakiilada iyo muddada uu kordhiyaan Golaha Guurtidu marka ay 5-ta  sano ee ay doorashada ku yimaaddeen  ay dhammaato, si waafaqsan Qod. 83aad Faqradiisa 5aad iyo Qod. 42aad Faqradiisa 3aad ee Dastuurka JSL,  ay leeyihiin ku dhaqan sharci oo isku mid ah
  • In Golayaasha Qaranku ( Fulinta iyo Xeer dajinta) ay isku mid yihiin awoodooda sharci ee muddo xileedka ay doorasho ku yimaaddaan iyo muddada loo kordhiyo  aftidii Dastuurka ee 2001 horteed iyo dabadeedba. Tusaalena waxa ah in Xeer-dajintu iyaga oo ku fadhiya Mudo kordhin ay abuureen Xeerar cusub, ansixiyeen Gudiyo iyo Masuulyiiin Qaran, iwm. Dhinaca kale  aftidii dastuurka ee 2001-dii horteed iyo dabadeedba waxa jiray  Madaxweynayaal kala duwan  oo dalka soo maray saxeexayna   Xeerar iyo Mashruucyo sharci si ay u dhaqangalaan, isla markaana  magacaabay Masuuliin Qaran iyo  Gudiyo, waxa kale oo ay qaateen Go’aano Masiiri ah iyaga oo ku fadhiyay Mudo kordhin.
  • In awoodda muddo kordhinta Golayaasha Kala Duwan ee Qaranka Marka ay ka dhamaato muddo xileedka ay doorasho ku yimaaddeen uu leeyahay Golaha Guurtidu si  waafaqsan Qod. 83aad Faqradiisa 5aad iyo Qod. 42aad Faqradiisa 3aad ee Dastuurka JSL.
Sidaa darteed Maxkamada Dastuuriga ah JSL waxay soo saartay Qaraarkan:
QARAAKA FASIRAADDA MAXKAMADDA DASTUURKA
Maxkamada Dastuuriga ahi waxa ay soo saartay  Qaraarkan Fasiraadda ah ee  soo socda:
  • Waxa ay Go’aamisay Maxkamaddu ku dhaqanka xilliga qabsoomida doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Golaha Wakiilada in uu noqdo sida ku cad Faqradda B, Qaybteeda 5aad ee Go’aanka Guurtida kuna beegan bil ka hor dhamaadka muddada xilka loo kordhiyay Madaxeynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo Golaha Wakiilada JSL oo ku dhamaanaya 27/4/2017, si waafaqsan Qod.83, Faqrada 2aad iyo Qod.42aad Faqrada 2aad iyo 3aad ee Dastuurka JSL.
  • Waxa ay Maxkamaddu laashay  heshiiska Saddexda Xibsi Qaran ee KULMIYE, WADDANI IYO UCID ee ku taariikhaysan 27/05/2015 mana laha wax dhaqan-gal sharci ah maadaama Golaha Guurtidu aanay aqbalin soojeedintii Xisbiyada si wax kabadal iyo kaabid loogu sameeyo Go’aanka mudo kordhinta Golaha Guurtida  ee ku taariikhaysnaa  11/05/2015.
  • Waxa ay Go’aamisay Maxkamaddu in maalinta Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo Golaha Wakiiladu noqoto 28/03/2017 kuna beegan Bil ka hor dhamaadka Mudada xilka loo kordhiyay oo ah 27/04/2017. Waana in si rasmi ah u soo cayinto Gudidda Dooraashooyinka Qaranku isla markaana waa in Madaxweynuhu ku soo saaro Degreeto sida uu dhigaayo Qod: 8aad ee Xeer Lr/20/2001.
  • Waxay Go’aamisay Maxkamaddu in mudo Xileedka 5 (shanta) sano ee  ay doorasho ku yimaaddaan  Madaxweyenaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Golaha Wakiilada iyo Muddada uu Kordhiyo Golaha Guurtidu marka ay 5ta sano ee muddo xileedka doorasho ay  ku yimaadaan dhamaato si waafaqsansan Qod. 83aad Faqradiisa 5aad iyo Qod. 42aad Faqradiisa 3aad ee Dastuurka JSL  ay isku mid yihiin, leeyihiina dhaqan-gal sharci oo isku mid ah.
  • Qaraarkan fasiraadda ah waxa ay Maxkamaddu soo saartay maanta oo taariikhdu tahay 18/08/2015.
Waxa soo saaray qaraarkan fasiraadda ah garsoorayaasha kala ah:
  • Aadam Xaaji-Cali Axmed Gudoomiye _________________
  • Maxamed Cumar Geelle Xubin          _________________
  • Cabdiqadir Axmed Maxamuud Xubin          _________________
  • Maxamed Faarax Siciid Xubin          _________________
  • Axmed Diiriye Qaalib Xubin          _________________
  • Cali-Shucayb Sh. Ibraahim Nuur Xubin          _________________
  • Cabdiraxman Jaamac Hayaan Xubin         __________________
  • Cabdillahi Cabdi Aadan Xubin         __________________
  • Yaxye Cali Idiris Xubin         __________________
  • Cabdiraxman Xuseen Caynaan Xubin         __________________
  • Cabdiraxman Xassan Nuur Xubin         ___________________
  • Sahrah Ismaciil Cabdillahi Kaaliye Sare _________________

Dadkii Dalka – Korneyl Qalinle W/Qoray Maxamed Cali Bile



11141247_10206826922180880_6899215582757063164_n
 wuxu ahaa sarkaal yar oo an u maleynayo inu laba xiddigle ahaa ama Kabtan. Waxa uu watay urur ka qeybqaatey dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee qarxey sannadkii 1977kii. Bilowgii 1978kii ayuu Qalinle ku dhaawacmey dagaalkii oo loo soo qaadey Muqdisho. Muddo markii la daweynayey ayaa dhakhtaradii yidhaahdeen lafaha ayaa xoog u burburey oo ma kabmayo. Nasiib wanaag, Qalinle waxa loo qaadey dalka Talyaaniga oo lagu soo kabey. Waxa Qalinle lugta laga soo geliyey biro waxaana lagu yidhi sanad dabadeed soo noqo si biraha lagaaga saaro.
Muqdisho ayuu ku soo noqdey oo uu shaqadii ciidanka halkii ka bilaabey. Markey muddo ka soo wareegtey ayuu sameeyey codsi oo uu dawladda weydiistey in Talyaaniga loo diro si biraha lugta kaga jira looga soo saaro. Sanad kasta waxa lagu yidhaa madaxweynaha ayay arintii hortaalaa oo waa la sugayaa inu soo saxeexo. Sanado badan ayay qaadatey oo aan loo soo jawaabin. Hawshii ciidanka waxa uu Qalinle ka gaadhey Korneyl balse waxa soo weheliyey xanaaq badan iyo niyad jab. Wuxu u qaadan waayey dalkii uu nafta u hurey oo ka bixin la’ xaqal safarkii si uu u tago talyaaniga oo biraha looga soo bixiyo.
Waxa uu Qalinle can ku noqdey inaanu qarsan mucaaradadiisa oo uu ciidanka dhecdiisa ka sheego in dawladii Siyaad Barre ay fashilantey oo nin aan dan gaar ah laga laheyn mooyee aan cid kale la tix gelineyn. Qalinle ayaa Muddo yar gudaheed shaarubihii iyo timihiiba caddaadeed. Maalin maalmaha ka mida ayuu qalinle soo iibsadey garan cad, markaaguu ku soo sawirey sawirkii madaxweynahii Siyaad Barre, waxaanu sawirkii ku dul qorey “This is the Dog who broke my leg” oo ah, waakan eygii lugta iga jebiyey. Qalinle ayaa garankii ka hoos xidhey direyskii askarta waxaanu tegey Wasaaraddii gaashaan dhigga ee Muqdisho. Markuu galay ayuu shaadhkii intu iska bixiyey meel sudhey. Mise Korneylkii Qalinle ahaa waxaabu gashanyahay garan uu madaxweynihii ku sawiranyahay oo ay ku qorantahay “Waakan eygii Lugta iga Jebiyey”.
Ciidan in badan ayaa iska dhaafta oo u heysata malaha inu madaxweynaha amaanayo. Mar danbe ayuu uula galay xafiis ay madaxdii wasaaraddu fadhido. Mise af kala qaad! Ninka u badheedhey in madaxweynihii oo soo hadalqaadkiisaba laga baqanayo inu ku sheego ey ee weliba Korneylka ah ee dhex jooga wasaaraddii gaashaandhigga Qalinle ayaa la xidhey. Muddo ka dib ayaa la iska soo daayey. Halkii wax kale laga filayey ayuu wasaarddii ku noqdey oo uu yidhi garanka anaa lahaa oo lacag ka bixiyey ee hala ii soo celiyo. Saraakiishan uu la hadlayaa iyagaaba lafahooda u baqanaya oo is leh waxa la idin ku eedeyn waxa ad joogteen meel madaxweynaha lagu caayayo, isna waxaabuu ku doodayaa garankii hala ii soo celiyo. Wasaaraddii gaashaan dhigga ayaa Qalinle ku tidhi, Ilaahey hadaad taqaan naga tag oo musharkaaga uun soo doono.
Badhtamihii sideetamaadkii ayuu qalinle isaga oo nin weyn ah oo Korneylna ah is qorey Jaamacaddii Soomaaliya, Kuliyadda dhaqaalaha. Wuxuu la fadhiistey ardey yaryar oo uu dhali karo waxaanu noqdey ardey wanaagsan, jaamacadiina uu dhameystey oo waxaanu qaatey shahaadadii. Waxa laga dhigey Guddoomiye ku xigeenka Xarunta Naafada Ciidamada, xilkaasi oo uu muddo hayey. Mabuu qarsane, habeenkii uu u ambaba baxayey SNM ayuu anaga oo tiro dhalinyaro ah inta uu noo yimid ayuu yidhi caawaa aniga iyo Korneyl dahir waanu dhaqaajineynaa ee soo duceeya. Dahir markaa waa Korneyl madax ka ahaa madbacadda Ciidamada Qalabka Sida. Qalinle waxa ii xigtey 1991 oo uu madax ka ahaa jabhaddii madaarka hargeisa fadhidey.
Beri dhexdii ahayed ayaan maqley Inu Korneyl qalinle ku dhintey dalka Uganda. Ilaahey ha u naxariisto, inagana ha inooga daba naxariisto.

Monday, November 25, 2013

Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Oo Mudadii Uu Hayey Hogaanka Jaamacada Qaaday Talaabooyin Aanay Mahadin Ardayda Wax Ka Dhigata Jaamacada Hargeysa Iyo Doorkii Waxbarashada Sare Ee Wasaarada Oo Gabi Ahaanba Maqan.



Hargeysa(HWN):-gudoomiyaha jaamacada Hargeysa ayaa tan iyo markii uu la wareegay maamulka jaamacada Hargeysa qaaday talaabooyin aanay mahadin ardayda wax ka dhigata jaamacadaas.
Gudoomiyaha jaamacada Hargeysa Dr.Cabdi Xuseen Gaas oo guddida sare ee jaamacada Hargeysa soo xushay ayaa mudo ku dhaw sanad iyo badh oo uu gacanta ku hayey maamulka jaamacada waxa uu qaaday talaabooyin dhibaato ku ah ardayda jaamacada Hargeysa oo tiradoodu aad u badan tahay.
Hadaba waxaynu soo qaadan doonaa talaabooyinka uu qaaday gudoomiyaha jaamacada Hargeysa Dr.Cabdi Xuseen
Gaas kuwaas oo saamayn taban ku yeeshay ardayda wax ka dhigata jaamacadaas iyada oo wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare-na ay ka gaabisay inay qaadato doorkeedii waxbarashada sare ee dalka.
Gudoomiyaha jaamacada Hargeysa ayaa markii uu la wareegayey maamulka jaamacada waxa uu goobtii ay munaasibadu ka dhacaysay oo ahayd xarunta jaamacada Hargeysa waxa uu ka balan qaaday inuu waxyaalo badan ka qaban doono sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada jaamacada isla markaana kor loogu qaadi lahaa tayada ardayda ka soo baxaysa jaamacada taas oo ilaa maanta aan laga hayn wax horu mar ah oo laga gaadhay tayeynta waxbarashada jaamacada taas badalkeedana qaada talaabooyin dhibaato ku ah ardayda jaamacada.
Gudoomiye Cabdi Xuseen Gaas ayaa mudadii uu hayey xilka jaamacada Hargeysa waxa uu qaaday talaabooyin aanay mahadin ardayda wax ka dhigata jaamacadaas iyada oo ay talaabooyinkaas ka mid tahay inuu ganaax ku soo rogay ardayda isku diwaan gelin wayda wakhtiga cayiman ee loo qabtay, iyada oo uu ganaaxu ka bilaabmayo $ 15 isla markaana kor uga sii soconayo maalinba maalinta ka danbaysa taas oo marka laga eego  dhinaca diintana noqonaysa xaaraan ama (Ribo), sidoo kale gudoomiyaha jaamacada Hargeysa ayaa mudadii uu xilka jaamacadaas hayey ku talaabsaday inuu lacag kordhin ku sameeyo ardayda sanadka koowad iyo sanadka labaad ee jaamacadaas taas oo uu kala mid dhigay jaamacadaha Private-ka ah ee ka jira caasimada Hargeysa, talaabadaas oo durba saamayn ku yeelatay ardaydii soo codsan jirtay jaamacada Hargeysa iyada oo sanadkan  hoos u dhac wayni ku yimid ardaydii soo gali lahayd jaamacada taas oo ay  saamayn  ku yeelatay lacagta uu kordhiyey gudoomiyaha jaamacada Hargeysa oo isagu aan wax ka badan ka ogayn xaalada dhaqaale ee dalka, iyada oo dhaqaalaha ay jaamacadu ka hesho ardayda ay garab socoto lacagta ay ugu tala gashay dawlada dhexe in lagu kabo jaamacada. 
Sidoo kale gudoomiye Cabdi Xuseen Gaas talaabooyinka uu qaaday mudadii uu hayey hogaaminta jaamacada Hargeysa ayaa waxa ka mid ah inuu jaamacada Hargeysa ka badalay nidaamkii hore ee ay ku shaqayn jirtay isla markaana ay ku hawl gali jireen kuliyado kala madax banaan taas oo uu u badalay nidaamka College-yada oo meesha ka saaray qaar ka mid ah kuliyadaha jaamacada Hargeysa.
Gudoomiyaha jaamacada Hargeysa Dr.Cabdi Xuseen Gaas ayaan lagu koobi karin qoraal talaabooyinka uu qaaday ee hagar daamada ku ah jaamacada ardayda jaamacada Hargeysa iyo nidaamka waxbarasho ee jaamacada taas oo loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.
Dhinaca kale wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa wax talaabo ah ka qaadin go,aamada aan u fiicnayn ardayda jaamacada Hargeysa ee ka soo baxaya maamulka jaamacada Hargeysa iyada oo inta badana wasaarada waxbarashadu ku war hesha marka uu debada u soo baxo khilaafka u dhaxeeya maamulka jaamacada Hargeysa iyo ardayda wax ka dhigata jaamacadaas.
Si kastaba ha ahaatee wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa looga fadhiyaa inay la socoto xaalada wakhtigan ee jaamacada Hargeysa iyada oo maamulka jaamacadu uu maalinba talaabo hagardaamo ku ah ardayda jaamacada qaadayo.

Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland